Bari waa maalin ceenkee ah?
Maalinta CARAFO waa maalin
uu Allaah SW ku dhaartay weynideeda daaraadeed sidaa darteed ayaa
waxaa laga fahmayaa maalinta CARAFO inay tahay maalin aad uweyn una
qiimo badan sida ku cad xadiiska uu Abuu Hureyraha wariyay (RC)
inuu nabiga NNKH uu yidhi (Maalinta mowcuudka ah, Maalinta la isu
yaboohay, Maalinta qimaaha, Maalinta mashhuudka ahna waa maalinta carafe) xadiiskan
tirmid ayaa wariyay ilaahay ha u naxariistee albaanina xasan ayuu ku tilmaamay.
Suurada Al-buruuj ayaadaha 1.2,3aad
(Allaah wuxuu ku dhaartay samada xidgaha leh iyo maalinta la isu
yaboohay, maalinta qiyaamaha iyo dadka joogsan maalintaas iyo waxyaalaha imaan
maalintaas) sidoo kalana Ibnu Cabaas oo ah saxaabigii tarjumay quraanka
kariimka waxaa uu ku macneeyay aayada 2aad ee ku jira suurada Al-fajri in loola
jeedo qeyb ka mid ah maalinta CARAFO ( allah waxaa uu ku dhaartay waa
bariga 2 iyo habeenada toabka ah ee dulxaj uhoreeya iyo tirada siman maalinta
ciida 10aad iyo tan is dheercarafo 9aad).
Soonka maalinta CARAFO waxaa
lagu dhaafaa dambiyada labo sano midkii tagay iyo kan soo socda sidaa waxaa
sheegay nabigeena suuban{SCW} markii la su’aalay maalinta CARAFO sida
ku sugan xadiiska uu Muslim ku wariyay saxiixiisa (waxa lagu dhaafaa
dembiyada sanadkii tagay iyo sanadka soo socda) yabooha nabigeena suuban{SCW}
sheegay inuu helayo ruuxii soomaa waxaa ey nafsadeenana ku dhiiro galineysaa inaan
ku dadaalno soonka carafo fadliga uu leeyahay maalinta carafo isla markaana waa
inaan soonaa oonu kafaa iideysanaa fursadaas weyn ee ina hortaala.
Allaah SW waxaanu kabaryeeynaa aniga iyo idinkaba in uu
nawaafajiyo maalintaas oo ku aadan maalinimada barito ah ee Arbacada oo taariikhduna ku beegan tahay 23/9/2015.
0 comments:
Post a Comment